|
Kismaayo, (insidesomalia.org)- Hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena dhaawaca ayaa soo gaaray, kadib markii iska hor imaad labo Maleshiyo uu ku dhex maray gudaha Magaalada Kismaayo.
Falkan dilka ah ayaa waxaa uu ka dhacay xalay agagaarka Isbitaalka Magaalada Kismaayo, kadib markii qaar ka mid ah ilaalada Dekeda Kismaayo iyo kooxo jidgooyo u taalay duleedka Isbitaalka Kismaayo ay isku dheceen xili ilaalada Dekeda ay doonayaan in ay qaadaan jidgooyadaasi.
Gaadiid aad u tiro badan oo Xamuul ah sidayna shixnado kala duwan ayaa ku xanibnaa halka ay Isbaarada u taalay koxaha Maleeshiyaadka ah, kuwasi oo doonayay in ay galaan Dekeda Magaalada Kismaayo si ay wax u geeyaan isla markaana ay uga soo qaadaan.
Qaar ka mid ah darawalada Gaadiidka isticaamal gudaha Magaalada Kismaayo gaar ahaan kuwa Xamuulka iyo Bl-ka ayaa waxaa ay si weeyn usoo dhaweeyeen talaabadani lagu qaadayay jidgooyada oo ay sheegeen in ay dhib weeyn ku qabeen kooxahaasi Maleeshiyada ah ee jid gooyada dhigtey.
Anirantani ayaa waxaa ay ku soo beegmeeysaa xili gudaha Magaalada Kismaayo ay yaalaan Jidgooyadii ugu badneeyd ee ay dhigtaan kooxo maleeshiyaad ah, isla markaan shalay salaadii Jimcaha Masaajida waa weeyn ee Magaalada Kismaayo ay Culumaa’udiinka ay ku baaqeen in hadii la qaadi waayo jidgooyooyinkaasi mudo 24 saac gudohooda ay iyagu talaabo ka qaadi doonaan, isla markaan ay cirib tiri doonaan.
Cabdirisaaq Aadan Faarax Suufi oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka Kismaayo oo Saxaafada u waramayay ayaa sheegay in ay doonayaa howlgal Burcad sifeeyn ah oo ay ku doonayaan in ay magaalada uga nadiifiyaan jidgooyooyinka teedsan ee dadka lagu dhibaateeynayo.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa qeeybaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo ku soo badanayay isbaarooyin ay dhiganayeen Kooxo dableey ah oo dadka dhibaateeynayay.
|